Madaafiic lagu tuuray Agagaarka Madaxtooyada

Ugu Yaraan 5 Madfac oo lagu soo tuuray Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacmen 4 ruux oo ah Dadka deegaanka sida uu Dalsan u sheegay fiidnimadii caawa oo bisha ramadaan kow tahay ayaa madaafiicda Hoobiyaha lagu garaacay degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho. Hoobiyaashan ayaan la garanayn halka laga soo ridey waxaana intooda badan ku dhaceen Xamar weyne. Ila hadda macadda khasaaraha ay geysteen iyo halka bartilmaameedka u ahayd hoobiyaasha.

Ka hor inta aan la maqal dhawaaqa madaafiicda ayaa  bombaanooyinka gacanta lagu weeraray guri uu degan  yahay guddoomiyihii hore ee degmada Hawlwadaag Maxamed Abuukar Jacfar haatana ah sarkaal ka tirsan NISA, waxaana ku dhaawacmey laba askeri oo guriga waardiye ka ahaa.

Ururka al-Shabaab  oo weli hawlgalo ka sameeya magaalada Muqdisho ayaa  lagu yaqaanaa in ay kor u qaadaan weraradooda inta lagu jiro bisha ramadaan.

Dhawaan ayaa Raysalwasaare Kheyre tababar u soo xirey ciidamo la sheegay in ay si gaar ah amniga Muqdisho u sugayaan mudadada ramadaanka lagu jiro.

Muktar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*